DAAWO:Liverpool oo hakisay hogaamiyayaasha Horyaalka EPL-ka una soo bandhigtay fursad Arsenal

Liverpool's No 27, Origi tries his luck inside the Leicester penalty - in one of 18 shots the hosts had in the first half

Liverpool ayaa  fursad siisay kooxda Arsenal iyagoona ku wargeliyey inay la wareegi karaan hogaanka horyaalka hadii ay ka badiyaan Southampton ka dib markii Liverpool guul ku gaartay gool uu dhaliyey xiddigooda bedelka kusoo galay ee Benteke.

Kooxda Liverpool ayaa si wayn u gacan saraysay qaybta hore ee ciyaarta iyadoona kubada si wayn u maamulanaysay, waxayna heshay fursadaha ugu badan ee kulankaan.

Laakiin biloowgii ciyaarta wiilka xilli ciyaareedkaan laga yaaban yahay ee Mahrez ayaa kubad cajiib ahayd kasoo qaatay dhanka bidix isagoona soo maray labo ka mid ah daafaca Reds, ka hor inta uusan Lovren kubada iska fogayn.

Liverpool ayaa heshay fursadeeda ugu horaysay ciyaarta ka dib markii Origi kubad halis ahayd kooxdiisa ka qasaariyey daqiiqad kale ka dib weeraryahanka da’da yar ee xulka Belgium ayaa wada kasoo furtay dhanka bidix ka hor inta uusan kubada cirka ku Tolin, iyadoona gool loo filan karay hadii uu kubadaas ku quudin lahaa Coutinho iyo Lallana.

Markale Origi ayaa xoog ugu soo faanay daafaca Leicester ee Morgan isagoona kubadda meel dhinac ah kaga soo baxay goolhayaha Leicester ka hor inta uusan samayn badbaadin cajiib ahayd.

Christian Benteke (left) wheels away in celebration after scoring the only goal of the game for Liverpool in their win over Leicester

Kasper Schmeichel ayaa markaan sameeyey badbaadin cajiib ah isagoona kubad shuut ahayd oo kasoo baxday lugta Emre Can banaanka isaga saaray.

Kooxda Klopp ayaa jug soo wayn soo gaartay daqiiqaidi 38-aad ee ciyaarta ka dib markii weeraryahankii qaybta hore ugu fiicnaa ee Divock Origi ay dhaawac soo gaartay, waxana bedelkiisa soo galay Christian Benteke.

Riyad Mahrez ayaa markaan sameeyey fursadii ugu qatarsanayd ee ciyaarta isagoona kubad cajiib ahayd ku kala jeediyey labo ciyaartooy oo Reds ah isagoona goolhaye Mignolet ku qasbay inuu kooxdiisa cabsida ka saaro oo uu kubadaas iska saaro.

Leicester were dealt a blow in the second half when star striker Vardy (left) was forced off after being scythed down by Can

Iyadoo Mehrez iyo Vardy kooxda martida u joogeen ayeey Reds ku guulaysatay inay xakamayso iyadoona qaybta hore lugu kala nastay 0-0 iyadoona kooxda Klopp si wayn ugu gacan saraysay.

Markii la isku laabtay ciyaarta Reds ayaa sii wadatay qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah iyadoona ka fursado fiicnayd kooxda Martida ee hogaaminaysa horyaalka Leicester City.

Ugu dambayn dadaalkii Liverpool ayaa miro dhalay daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta, kubad cajiib ahayd oo isku soo taab taabteen wiilasha Klopp ahaa keentay Emre Can kubad loo bogay ku quudiyey Benteke kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool.

Liverpool's £32.5milllion summer signing from Aston Villa (right) goes shoulder to shoulder with Leicester centre back Wes Morgan

Vardy iyo Mehrez oo ahaa ciyaartooyda kooxda Claudio Ranieri ayaa bedel lugu soo saaray qaybta dambe ee ciyaarta iyagoona ku fashilmay inay kooxdooda Guuldaradaan ka badbaadiyaan.

Leicester City ayaa dhamaadka ciyaarta soo qaaday weeraro cir iyo dhul ah oo ay ku doonayso inay ciyaarta kusoo noqoto, laakiin ma noqon, kooxda horyaalka Hogaaminaysa ayaana 1-0 oo guuldarado ah garka loo geliyey.

Related Articles

7 thoughts on “DAAWO:Liverpool oo hakisay hogaamiyayaasha Horyaalka EPL-ka una soo bandhigtay fursad Arsenal”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close