Daley Blind and Luke Shaw Liiska Sagaal Ciyaaryahan Oo Ka Tagaya Old Trafford Hogaaminaya

Shabakada cayaaraha Goal.com ayaa soo bandhigtay cayaartoyda Manchester United ee qandaraaskooda dhacayo dhamaadka xiligan, kuwaas oo laga yaabo in ay beeca xorta ah kaga dhaqaaqaan garoonka Old Trafford xili cayaareedka 2018

Suuqa kala iibisga cayaaartooyda ayaa hadda furan maalinkii saddexaad, waxaana jira ilaaa iyo sagaal cayaartooy oo qandaraaskooda kooxda Manchester United dhacayo dhamaaadka xili cayaareedkaan.

Bisha Janaayo, Manchester United ayaa isbedel ku sameyn doonta awooda khadka dhexe ee kooxda, iyadoo sagaal ciyaaryahan beeca xorta ah ku tagi karaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shan ka mid ah sagaalka ciyaaryahan ee ku lug leh warbixita, waxay kooxda Manchester United awood u leedahay in ay dib u habeyn ku sameyso qandaraaskooda garoonka Old Trafford.

Liiska ciyaartooyda Qandaraskooda Manchester United dhacayo dhamaadka xili ciyareedkaan waxay kala yihiin Zlatan Ibrahimovic, Michael Carrick, Daley Blind, Marouane Fellaini, Ashley Young, Juan Mata, Luke Shaw iyo Ander Herrera .

Shanta Cayaartooy ee kala ah Herrera, Juan Mata, Young, Daley Blind iyo Luke Shaw ayay u badan tahay in loo kordhiyo qandaraaska ay ku joogaan Old Trafford ka hor dhamaadka xili cayaareedkaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close