Dani Alves oo barbareeyay rikoorka uu dhigay boqorka kubada cagta adduunka, sidee?

Dani Alves

Dani Alves waa 32-jir sidoo kalena dadka qaar waxay ku tilmaameen laacib waqtigiisa cayaareed sii dhamaanayo hadana xidigan talaabo walbo ee uu qaado rikoor ayuu sameenayaa.

Dani Alves todobaadkan wuxuu kooxdiisa Barcelona la qaaday koobka naadiyada aduunka (FIFA Club World Cup) waxayna Barcelona 3-0 koobka kaga qaaday naadiga River Plate.

Hadaba Dani Alves guushii uu ka gaaray FIFA Club World Cup ayaa ka dhigay inuu daafacan ku guuleestay 29-koob oo caalami ah.

Dani Alves ayaa bar bareeyay rikoor u yiilay boqorka kubada cagta aduunka Pele oo horey isagana 29-koob oo caalami ah ku guuleestay intii uu kubada cagta cayaari jiray.

Dani Alves isagana dalka Brazil hada kadib qiimeyn weyn ayuu ku yeelan doonaa marba hadii uu bar bareeyay rikoor u yiilay boqor Pele.

Dani Alves weli fursad qaali ah ayuu heestaa madaama xili cayaareedkan kooxdiisa Barcelona ay u tartameyso 3-koob oo caalami sidoo kalena dhamaan koobabkan fursad fiican oo ay ku qaadi karto ayay heesataa.

Dhinaca kale Dani Alves waxaa loo aqoonsaday inuu yahay laacibka ugu caawinta Lionel Messi goolasha uu kooxda Barcelona u dhaliyay wuxuuna Alves caawinaad ka geestay 38-kubadood ee uu Messi dhaliyay.

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha kooxda Barcelona ka tirsan kuwaas oo Messi ka caawiyeen inuu goolasha ugu badan dhaliyo:

Caawinta ugu badan Messi ee Barcelona:

[38-kubadood] Dani Alves

[31-kubadood] Iniesta

[23-kubadood] Xavi

[21-kubadood] Pedro Rodriguez

[13-kubadood] Cesc Fabregas

[10-kubadood] Alexis Sanchez, Luis Suárez iyo NEYMAR

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close