David Luiz Oo La Ogaaday Inuu Ka Tegi Doono Blues Xagaagan Iyo Costa Oo Sabab Ah [Sidee]

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Ingiriiska, kooxda kubada cagta Chelsea ayaa ku fikireysa inay iska iibiso, daacafeeda David Luiz, xili ciyaareedkan, si uusan uga soo muuqan kooxdaan xagaaga dambe.

Luiz, ayaa wuxuu kusoo laabtay Blues, xagaagii hore, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Premier League, asigoona sanadkaan kamid ah, safka uu ku duulayo macalinka Talyaaniga kasoo jeeda e Antonio Conte.

Sikastaba, maamulka Chelsea, ayaa waxaa la sheegayaa in xidigaan ay ubiilbinayaa in Luiz, uu saaxiib layahay wiilkii ay iska dirtay kooxdaan sanadkaan, islamarkaana aaday Athletico De Madrid, ee Diego Costa.

Costa, ayaa wuxuu qiimo qaali ah uu ugu dhaqaaqay caasimada Spain, waxaana uu bilaabi doono inuu si rasmi ah uu ugu dheelo kooxdaas bisha Janaayo, maadaama haatan uu yahay mid tababar iyo soo kabasho ku jira.

Halyeeyga caanka ee lagu magacaabo Ian Wright, ayaa aamisan fikrada ah, in Chelsea, aysan dooneen ciyaaryahan xiriir la leh, Costa, kaasoo uu rumeysan inuu dhibaato usoo jiidi karo, kooxdaan.

“Luiz, waa uu ka tegi doonaa Blues, inta uu xiriir la sameynayo maalin walba, Costa,” ayuu Ian Wright, usheegay Majalada The Sun, oo kasoo baxda dalka Magaalada London, ee caasimada dalka UK.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close