David Luiz: ‘Waxaan Ahay Mucaashaq Kooxda Tottenham Hotspur Ah’

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea daafaceeda David Luiz ayaa sheegay in kooxda adage ee Tottenham ay ku wajahayaan sabtida maanta ah ciyaarta  FA Cup wareegiisa semi-final inay tahay mid adag islamarkaana uu ka fakarayo waxa ay kala imaan doonaan garoonka Wembley, waxaase uu dhanka kale sheegay laacibkaan inuu aad u jecelyahay la ciyaarista spurska.

Spurs ayaa dhankeeda waxa ay ku jirtaa loolanka horyaalka Premier League ololahan socda,waxaana hadda laga sareeyaa dhibco aan badneed,waxaana ay loolan ugu jirtaa soo qaashada Chelsea.

Xifaaltamayaasha magaalada London kulankoodu waa kan ugu saameynta badan maanta, laakiin daafac Luiz ayaan qarin Karin dareenkiisa ah sida uu ugu riyaaqsan yahay inuu wajaho naadiga tottenham oo uu sheegay in kulankaasi uu noqon karo kan ugu cajiibsan.

“shaqsiyadeyda waa koox u abaabulan oo wanaagsan spurska ,waxaa hogaamiye u ah macalin Mauricio Pochettino. Xaqiiqdii waa kuwo u diyaarsan hab jismi iyo niyad kale waxay ila tahay inay isu dhigan tahay qiyaas ilaa hal koox kabadan ,. Aad ayaan u jeclahay kooxda,” sidaas ayuu u sheegay jariirada the London Evening Standard.

Luiz ayaa saftay 28 –jeer Premier League kooxdiisa Chelsea oo uu kusoo bilaawday ololahan socda, waxaana uu boos ka helay in lagu soo daro kooxda ugu wanaagsan sanadka ee dalka PFA team of the year.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close