De Bruyne Oo Si Cajiib Ah Jawaabay Hadii Leo & CR7 Uu Xagaagan Ka Dulqaadi Karo Ballon d’Or

Kevin De Bruyne, kubad sameeyaha kooxda kubada cagta Manchester City iyo qaranka Belgium ayaa sheegay in kubada cagta uusan udheein inuu ku guuleysto Biladdo shaqsi ah, uuuna yahay mid uciyaara guul uu kooxdiisa la gaaro.

Hadalkaan ayuu daboolka ka qaaday laacibkaan kadib markii uu la weydiiyay hadii uu doonayo inuu sanadkaan ku guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or, xili macalinkiisa Pep uu tilmamaay inuu awoodi karo wiilkaan.

Laakiin, De Bruyne ayaa hoosta ka xariiqay inuu rajaynayo inuu hanto Jaa’izaddaan maalin un, islamarkaana uu sugi doono waqtiga uu muteysto in la gudoonsiiyo Biladaan oo ah tan ugu qiimaha badan kubadda cagta.

Wuxuu yiri: “Hadii aan si daacad ah uhadlo, marka aan ku mashquulsanahay dheelista kubada cagta, uma dulqaan karo midaas.

“Ka hor ma ihi mid ku mashquula [inuu hanto Ballon d’Or], laakiin waxaan sameynayaa wixii aan sameyn lahaa, waana jeclahay inaan helo midaas,” ayuu sii daba dhigay De Bruyne.

“Wax walba waxaa fudeed igaaga dhigeysa in marka hore aan guulo la gaaro kooxdeyda, marka waa inaan iyada aan xoojiyaan,” ayuu sii raaciyay

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Aakhiritaankii abaalmarinada shaqsiga ah ee qurux badan, iyaga ayaaba iska imaan doona.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close