DEG DEG:-Banaadir SC Iyo Jeenyo Oo Barbaro Ku Kala Baxay, Heegan Oo Ka Badisay Muqdisho United.

Kooxaha kubbadda cagta Banaadir SC iyo Jeenyo ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay gegida Banaadir Stadium,iyagoo wada ciyaaray kulan ciyaareedkii 35-aad Horyaalka Soomaliya 20162-2017. Qeybtii hore Kulanka ayaa lagu kala baxay barbaro,Jeenyo ayaa gooalsha bilaawday waxaana Daqiiqadihii 2-aad iyo 3-aad labo gool Banaadir SC kaga naxsaday xidigaha kala ah Aadan Xuseen ibaarhim (Eeney) oo (No.13) iyo Xasan Cabdi Nuur Geesey (Xasaasi) oo (No.8) u xerta kooxda Jeenyo.

Hogaamiyaasha Horyaalka Banaadir SC ayaa sameeyay fursado badan qeybtii hore ee Kulanka waxaana daqiiqadiihii 35-aad iyo 46-aad labada gool u soo celiyay wiilasha Banaadir iyo taageerayaashooda xidiga reer Kenya Marcel Odhaimbo oo (No.12) Banaadir SC. Qeybtii Labaad ee Kulanka labada koox ayaa sameeyay fursado badan,balse ma aysan suurta gelin in koox ay guul gaarto.

Kulanka waxaa Garsoore ka ahaa Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomali),Calanhayaha 1-aad Suleymaan Bashiir Sheikh Cabdi,halka Calanhayaha 2-aad Kulanka uu ahaa Aadan Cali Ciid. Dhinaca kale kooxaha Heegan iyo Muqdisho United ayaa iyagana isku farasaay gegida Jaamacadaha ee degmada Hodan,iyagoo wada ciyaaray kulan ciyareedkii 36-aad ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Qeybtii hore Kulanka ayaa lagu kala baxay waxaana Daqiiqadii-30-aad goolka u daah furay wiilasha Heegan C/risaaq Abuukar Rooble oo (No.19) u xerta kooxda Heegan. Qeybtii Labaad markii leysku soo Laabtay wiilasha Heegan ayaa sameeyay fursado kale oo goolal loo filan karay,balse Daqiiqadii 89-aad kooxda Muqdisho United waxaa goolka barabaha u dhaliyay xidig (No.15) Maxamed Cusbo,balse dhamaadkii Kulanka waxaa gooka guusha u dhaliyay wiilasha heegan laacibka (No.5) C/Kariim Abuukar Nuur (Boqori).

Kulanka waxaa Garsoore ka ahaaa Axmed Kaafi Xuseeen Xasan,Calanhayaha 1-aad C/llahi Xooshey Caraaye,halka Calanhayaha 2-aad uu ahaa Daa’uud Sheikh ciise. Si kastaba kulankii kooxaha Banaadir SC iyo Jeenyo waxa uu ku dhamaaday barbaro 2-2, halka Heegan ay 2-1 ku dharbaaxaday dhigeeda Muqdisho United.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close