DEG DEG: Ciyaaryahan Si Weyn Looga Garanayay Caalamka Oo Geeryooday

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan inuu geer yooday mid kamid ah Laacbiinta wadankaas iyo aduunka intiisa kale si weyn loogu garanayay oo lagu magacaabo Nicky Hayden.

Xiddigaan ayaa waxa uu aad caan ugu yahay Tartanka Mootooyinka, waxa uu ku geeryooday meel udhow Xeebka la yiraahod Rimini, waxaana geeridiisa loo sababenayaa isku dhac dhacay Toddobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu Loolan ku jiray.

Nicky Hayden, ayaa waxa uu horey ugu soo guuleystay abaal marinta ugu sareysay Tartankaan, waxa uu kasoo jeeda wadanka Mareykanka, isagoona dalkiisa usoo hooyay guul aad ubadan iyo sumcad isaga ugaar ah.

35-sano jirkaan Ameerikaanka ah ayaa waxaa lagu dhibiibayay Ibitaalka Maurizio Bufalini, oo ku yaala ee Magaalada Cesena, waxaana geeradiisa la xaqiijiyay maalinkii Maanta oo Isniin ah.

‘Waaxda caafimaadka ee Isbitaalka Maurizio Bufalini, ayaa waxa ay xaqiijineysaa geerida Bukaanka Nicholas Patrick, kaas oo maalinkii Arbacada ee Taarikkhdu aheyd 17-ka kasoo kabsaday Xaaladda Degdeg ah.

‘Balse nasiib daro, maanta oo Isniin ah, ayaa waxaa uu waayay naftiisa, sabatuna waxa ay aheyd dhaawac soo gaaray oo aad udarnaa, dhaqaariiteenuna dadaal badan wey bixiyeen,’ sidaas waxaa lagu yiri war kasoo baxay Isbitaalka.

Mr Hayden ayaa waxa uu kamid yahay 217 xiddig ee ugu waa weyn Tartankaan, waxa uuna ku guuleystay Horyaalkaan sanadkii 2006-dii, markaas oo uu qaaday Tartanka Waditaanka-halka Baabuur.

 

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close