Xiddig Ka Tirsan Kooxda Dekadaha Oo Dhaawac Halis Soo Gaaray + Magaca

Xidiga khadka dhexe kooxda kubadda cagta Dekedda Axmed xasan Ciyow (Macaani) ayaa ku dhawaacmay kulan shalay galabta uu ku ciyaarayey garoonka shiirkole ee degmada Hodan waxaan xidigan soo gaaray dhaawac halis ah kaas oo kasoo gaaray lugtiisa midg .

Intii lagu gudajiray ciyaar udhxeysay kooxaha Bakaaro iyo Peace hotel oo katirsaneed tartanka bisha barakeysa sanad walbana waqtigan oo kale lagu qabto garoonka salaxa ah ee shiirkole .
Dhaawaca xidigan heerka caalami soo gaaray ayey qasabtay in garoonka laga saaro isaga oona umuuqday mid aan kaligiis lugta dhulka dhigi Karin , baaritaano gadib waxa la xaqiijiyey in uu xidigan lafdheerta lugta uu ka jabay.

Badi ciyaartoyda heerka koowaad ayaa dhawacyo kala duwan ka soo gaara kulamada ay kooxa kale u ciyaarayaan inta uu xiranyahay horyaalka dalka soomaaliya ,wallow kooxo qaar ciyaartoydooda ay ka mamnuucaan u ciyaarista kooxa kale .

Bisha ramadaan marka lagaaro waxa ay ciyaartoyda heerka koowaad noqdaan kuwo lakala iibsado iyagu oona mararka qaar ay waxyeelo kasoo garaan kulamdaas taas oo dhib ku noqon kara ayihiis ciyareed iyo mida kooxeedba.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close