DEG-DEG: Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Marcelo

Naadiga kubada cagta  Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixatay laacibka daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Marcelo isaga oo u saxiixay heshiis laba sano ah.Naadiga kubada cagta  Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixatay laacibka daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Marcelo isaga oo u saxiixay heshiis laba sano ah.
Ciyaaryahanka ayaa Real Madrid kula jiray heshiis dhamaan doona xagaaga 2022 sidoo klae Real Madrid ayaa laba sano ka saxiixatay taas oo la macna ah in uu heshiiskiisu haatan dhamaan doono sanadka 2022.
Kooxada Los Blancos ayaa xaqiijiyay in heshiis cusub si Rasmi ah loogu dhawaaqi doono maalinta khamiista kadib markii ay si Rasmi ah ula heshiiyeen xiddigan.
Daafacan reer Brzil Marcelo ayaa kaliya ahaa 18 sano jir markii uu ku soo biiray kooxda ku ciyaarta garoonka Estadio Santiago Bernabeu sanadkii 2007 waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan.Xiddiga Marcelo ayaa xitaa loo doortay kabtan ku xigeenka waxana uu u saftay kooxda Real Madrid u saftay kulamo dhan 415 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray.
Kadib markii uu heshiiska cusub u saxiixay Marcelo ayaa haatan isha ku haya in uu jabiyo rikoor u yaalay halyeeyga kooxda Real Madrid ee Roberto Carlos kaas oo ahaa xiddiga ugu safashada badan ee ajnabi ah ee kooxda Real Madrid isaga u saftay 527 kulan

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close