DEG-DEG: Ronaldo Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Real Madrid

Weeraryahanka Kooxda Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo, ayaa wuxuu ku sheegay Wareysi uu siiyay Shabakadda MARCA, inuu baaqi kusii ahaan doono garoonka ku yaala magaalladda caasimadda u ah Spain.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu xilli ciyaareedka cusub kula guuleystay Koobab fara badan, islamarkaana uu ku faraxsan yahay inuu lasii joogo taageerayasha Cad Cadka.

Ronaldo ayaa wuxuu shaki weyn ku ku jiray Mustaqbalkiisa Kooxdaan kadib markii lagu soo eedeeyay inuu la dhuuntay canshuur, taasoo keentay in lasoo wariyo inuu ka tago Boqoradda Horyaalka Spain ee La Liga.

Wuxuu yahay xiddiga ugu saameynta badan oo ay haysato Madrid, wuxuuna koxodaan kula guuleystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Koobab fara badan oo ay ku jiraan Champions League, La Laiga iyo kuwa kale.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close