DEG DEG: Ronaldo Oo Markii Shanaad Ku Guuleystay Bilada Laacibka Dunida Ugu Wanaagsan

Xidiga jooga dheer ee kooxda kubada cagta Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo, ayaa waxa uu ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu fiican dunida kadib markii lagu abaalmariyay xaflad ka dhacay caasimada Faransiiska ee Paris.

Xafladaan oo ay kasoo qabgaleeyn marti sharaf aad u badan, ayaa waxa uu ku gudoomay CR7 Kabta Dahabka ka sameysan, waxaana uu sidaas kula siman wiilka gaaban ee Lionel Messi, kaasoo horey ugu guuleystay sha jeer.

Ronaldo ayaa waxa uu soo bareejayay rikoorka uu Messi dhigay kaasoo ah, inuu noqday xidigii ugu horeeyay ee shan jeer hantay Ballon d’Or, waxaana wixii hada ka dambeeyay kala simi doonaa sheekadaas ciyaaryahan Ronaldo.

Super Star-ka Los Blancos, ayaa waxa uu ku muteystay biladaan kadib markii uu xagaagii lasoo dhaafay uu ka caawiyay kooxdiisa, inay qaado koobabka kala ah: Champions League, La Liga iyo kale, isagoona dhaliyay goolal badan.

Isagoo ka hadlayay madasha ay ka dhacday xafladda, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, Ronaldo, inuu ku farax san yahay inuu hanto biladaan markii shanaad, wuxuuna sheegay inay u utahay habeen qaas ah, caawa oo Khamiis ah.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close