Degmada Waaberi oo guul daro kala kulantay Xiddigaha ka socday dalka Australia

Degmada Waaberi ayaa guul daro kala soo kulantay jaaliyada dalka Australia ee isboortiga Melbourne kulan Saaxiibtinimo oo shalay galab ka dhacay garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis.

Cayaartan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa soo bandhigeyn kubad aad u heer sareyso balse qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku horkaceyso xiddigaha Jaaliyada Australia.

Markii dib la isku soo laabtay Xidigaha Melbourne ayaa dar dar xoogan garoonka ku soo galeyn waxeyna heleyn goolkii 2-aad ee cayaarta waxaana u dhaliya xidiga C/raxmaan balse Degmada Waaberi ayaa heshay gool kaa uu u dhaliyay C/Salaan balse daqiiqad kadib waxaa goolka bar baraha u keenay Degmada Waaberi xidiga lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi ciyaarta ayaa noqotay mid garbo siman 2-2.

Balse Ugu dambeyntii Xidigaha Melbourne ayaa helay goolkii guusha waxaana u dhaliyay Mahad Cayarta ayaa ku soo dhamaatay 3-2 ay guusha ku raacday Wiilasha Jaaliyada Australia ee Melbourne

kulankan waxaa garsoore ka ahaa Axmed Kaafi,calanhaya 1-aad waxa uu ahaa Xasan Xuseen Macow,calanhayah 2-aad waxa uu ahaa Liibaan C/llahi Xiirey.

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close