Home » Africa » Degmooyinka kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa galabta ku balansan garoonka Benaadir

Degmooyinka kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa galabta ku balansan garoonka Benaadir

Degmooyinka kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium kulan ka tirsan tartanka degmooyinka sanadkii 2016-17.Degmada Shangaani kulankii ugu dambeyay waxeey guul daro xanuun badan kala soo kulantay degmada Boondheere kulankaas uu ku soo dhamaday 3-1 ay guusha ku raaday Degmada Boondheere,Shibis ayaa ciyaareyso kulankii ugu horeyay ee tartanka Degmooyinka waxeyna galabta food is dari doonana degmada Shangaani.

 




Shangaani ayaa galabta raadineyso ineey hesho guushii ugu horeysay ee tartanka Labadan degmo ayaa ku jiraa Group A.

Ciyaartan ayaa soo galeyso saacada markii tahay 2:00 duhurnimo,waxa jira kulan kale oo dhacaya galabta kaas dhex maraya Degmooyinka kala ah H/wadaag iyo Dharkenley  Labadan degmo ayaa ku jiraa Group B  saacada markii ay tahay 4:00 galabnimo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*