Dekadda FC oo guul ka gaartay naadiga Gaadidka imisay ku badisay?

Laacib.so : Kulamo ka tirsan horyaalka Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah laga ciyaaray Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Banadir Stadium waxaana isku wada arkay kooxaha Dekadaha iyo Gaadiidka waxeyna ciyaartu ku bilaabtay dardar adag inkastoo naadiga Dekadda ay ku hormartay Goolasha ay ku hogaamineeysay hal gool waxaana goolkaasi ku afbilaawday ciyaaryahanka lagu magaabo C/casiis Catoosh daqiiqadii 7-aad iyo goolka kale oo uu u dhaliyay Ciyaaryahanka u dhashay wadanka Uganda ee Zakariye qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kuso idlaatay 2gool oo ay ku gacan sareeysay naadiga Dekadda FC.

Falanqeyn iyo latashiyo badan kadib markii laga soo laabtay nasashada waxaa dib u niyada u dhis ay ku sameyeen ciyarta waxeyna la yimaadeen goolkii calanka waxaana u dhaliyay goolka qura ay galabta la yimaadeen ciyaaryahanka lagu magacaabo Gurxan oo goordhow ka soo wareegay naadiga Waxool FC waxeyna ciyaarta sidaasi kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday naadiga Dekadda FC waxeyna haatan naadiga Dekadda gashay kaalinta 3-aad inkastoo dhanka gool dhalinta loogaga sareeyo waxeyna Dekadda Leedahay 22-Dhibcood, halka naadiga Gaadiidka ay weli kusii jiraan kaalinta 7-aad ee horyaalka waxeyna leeyihiin 13-Dhibcood.

Lasoco mar walba horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close