Home » Africa » Dekadda FC oo si buuxda kala wareegtay Kooxda Banaadir FC Hogaanka Horyaalka Soomaaliya

Dekadda FC oo si buuxda kala wareegtay Kooxda Banaadir FC Hogaanka Horyaalka Soomaaliya

LAACIB.SO : Kulan xiiso badan ayaa galabta ku dhexmartay garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan waxaana u soo daawasho tagay dadyow aad u badan wexeyna u dhexeeysay kooxaha waaweyn ee Banadir Sports Club iyo Heegan FC oo mudooyinkaan la soo shirtagtay ciyaaryahanno cusub.

Jadwalka kubadda Cagta SoomaaliyaCiyaarta markii ay bilaabatay waxaa dardar adag ay la soo gashay Naadiga Heegan FC oo ay la ciyaareeysay naadiga Banadir Sports Club waxaana ciyaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka u heeysay naadiga Heegan FC waxaana goolkaasi u dhaliyay ciyaaryahan ka lagu magacaabo Jabriil Xasan Fariid oo heegan FC u sita Numberka 10-aad.

Qeybtii dambe markii dib la isugu soo laabtay waxey
Kooxda Banadir Sports Club isku dayday in ay barbardhac la timaado haseyeeshee kooxda heegan FC ayaa ku guuleeysatay in ay difaacato goolkii ay dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta halkaasoo ay ciyaartu ay guushu ku raacday kooxda Heegan FC.

Naadiga Heegan FC ayaa haatan soo gashay kaalinta 4-aad ee horyaalka Soomaaliya waxeyna leedahay 19-Dhibcood halka naadiga galabta ay ka badisay ee Banadir Sports Club ay leedahay 23-Dhibcood, Halka Kooxda Dekadda oo galabta iyana badisay ay hogaanka kula wareegtay 25-Dhibcood kadib markii ay 4-0 ay kaga badisay naadiga LLPP Jeenyo oo aad moodo maanta kulankii ay ciyaareen in ay kaga dhigneed niyad jab ku yimid wararkii maalmahaan laga qorayay ee ku saabsanaa arinta Horyaalka Soomaaliya.

Lasoco Marwalba LAACIB.SO kalana soco horyaalka Dalkaaga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*