Dekadda oo garaacday Jeenyo-Feysal oo 2-gool ka dhaliyay kooxdiisii hore isla markaana diiday inuu ku dabaal dego

Kooxda Dekedda ayaa guul dahabi ah ka gaartay naadiga Jeenyo kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegatay,kulan qeyb ka ahaa Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 walow labada kooxod ay soo bandhigeyn kubad aad ay ugu riyaaqeyn taageeryashii u soo daawasho tagay ciyaartan.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta kooxda Dekedda ayaa dar dar xoogan garoonka ku soo gashay iyado ay maanka ku heeso iney hogaanka Horyaalka qabato.

Ciyaarto wax yar socoto waxaa shabaqada Jeenyo soo taabtay Feysal Xasan Xaashi oo waqti fiican ku soo qaatay kooxda Jeenyo kulan ayuu ka dhigay 1-0 ay ku horkaceyso Naadiga Dekedda.

Dekedda ayaa weeraro kala duwan ku qaaday kooxda jeenyo si ay u xaqiijiso saddex dhibcood balse ciyaarto dhamaad ah waxaa mar kale shabaqada soo taabtay Feysal Xasan Xaashi isago wax dabaal dag ah uusan ku sameyn kooxdiise hore si uu u muujiyo xushmada uu u haayo kooxdiise hore ee Jeenyo.

Jeenyo ayaa waxaa Roose Laga siiyay xidigeeda Cabdiraxmaan Kanu

Si kastaba Dekedda ayaa 2-0 ku badisay xili ay hogaanka ay qabatay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close