Dekedda iyo Midnimo oo galabta isku dhagan kulan ka tirsan Tartanka General Daa’uud

Tartanka General Daa’uud ayaa maraya Milihii ugu xiisaha badana waana wareega 8-dhamaadka ilaa iyo hataan waxaa wareega Afar dhamaadka ee Tartanka u gudbay kooxaha Heegan iyo Elman.
Kooxda Kubadda Cagta Dekedda kulankii ugu dambeyay waxeey guul weyn ka soo gaartay kooxda Banaadir Sports Club kulan qeyb ka ahaa heerka Group-yada ciyaartas ayaa ku soo dhamaatay 4-0 ay guusha ku raacday wiilsha Dekedda.
Dekedda ayaa kaalinta koowad ugu soo baxday Group-C kaa uu lagu tilmaamay inuu ahaa midka ugu adag ama kan Geerida.
Wiilasha uu hogaamiyo Macalin Yu Cali waxey kulankan heli doonan Kabtankooda Cabaas Aamiin kaa uu Rooso ka qaatay kulankii ay guul darada kala kulmeyn kooxda Heegan sido kale waxaa kulankan dib ugu soo laabanaya Naadiga Dekedda Daafaca lagu magacaabo Xasan Siidow Hilowle kaa uu isagaba Roose qaatay kulanii ay kooxdiisa waji gabaxa kala kulantay Heegan.
Sido kale Kooxda Dekedda waxaa ciyaartan ka maqnaan doona Cabdulaahi Cali Bile kaa uu gacanta jug ka soo gaartay kulankii ay guusha ka gaareyn kooxda Banaadir Sports Club.
Kooxda Midnimo kulankii ugu dambeyay waxeey bar baro la soo gashay kooxda Gaadiidka kulan ku soo dhamaaday 2-2 ay labada dhinac ku heshiiyen.
Naadiga Midnimo kulanka ay galabta la ciyaarayan kooxda Dekedda waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Maxamed Faarax iyo Fu’aad Carabey kuwaa oo kulankii ugu dambeyay ay kaarka roosaha loo taagay.
Tartanka: General Daa’uud
Kooxaha: Dekedda vs Midnimo
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada” 3:30

w/Q: Cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close