Dembele Oo Kusoo Laabtay Tababarka Barca, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Adag Ee El Clasico

Ciyaaryahankaan oo dhaawac uu soo gaaray 19 September, ee sanadkaan ayaa waxaa lagu soo sameeyay qaliin dhanka Muruqa ah:- waxaaan qaliinkiisa uu qaatay sida muuqata waqti aad ubadan.

Laakiin, ugu dambeyn waxa uu kusoo laabtay tababarka Barcelona, shalay oo Arbaco ahayd, isagoona kamid ahaa, laacibiintii sameysay tababarka, waxaana ay noqoneysaa markiisii ugu horeysay kadib dhaawacaas oo gaaray.

Inkastoo uu dhaawac kasoo kabtay waqti hore oo bishii hore ah:- hadana waxa uu ahaa mid si gooni ah u tababaranayay, waxaaan shalay oo si rasmi ah uu ula qaatay tababarka xidigaha waa weyn ee kooxdiisa.

Image result for Dembele

Wiilkaan oo udhashay dalka Faransiiska, ayaa waxaa la filayaa inuu dheelo kulaamda soo aadan, iyadoona ay u badan tahay inuu dheeli doono kulanka xiisaha badan ee El Clasico, kaasoo ka dhacay garoonka caasimada Spain ku yaala.

Maamulaha Barca oo ka hadlayay xaalada wiilkaan, ayaa waxa uu qiray in Dembele uu diyaar uyahay uuna dheeli doono kulanka ay La Liga ku wajahayaan Real Madrid, kasoo dhici doona todobaadka dambe.

Ousmane Dembele, ayaa waxa uu kaga soo biiray Barcelona, fasal ciyaareedkan naadiga Dortmund, waxaana lagu soo iibsaday aduun dhan 105 Malyuun, isagoona noqday xidigii ugu qiimaha badnaa, oo ay soo gato Barca.

Dembélé fue el protagonista del entrenamiento Dembélé participa en los rondos

Dembélé fue el protagonista del entrenamiento Dembélé fue el protagonista del entrenamiento

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close