Dhibaatada Real, Arrinta Coutinho &Wiilkii Hore Ee Leo Oo Dhulka Ku Jiiday Saxiixa Cusub Ee Barca

Wakiilka, kaasoo soo saarey Leo Messi, ninka lagu magacaabo Josep Maria Minguella, ayaa aaminsan in saxiixa cusub ee Barcelona, Philippe Coutinho, uusan uqalmin in lagu soo iibsado aduun lacageed dhan 160 Malyuun.

Minguella, oo la weydiiyay fikirkiisa ku aadan arrintaan wuxuuu kaga jawaabay su’aalaha Coutinho, ku saabsan si deg deg ah.

“Coutinho uma qalmo 160 Malyuun,” ayuu usheegay Barnaamij-ka lagu magacaabo T4, ee ka baxay Idaacada dalka Spain, ku taala ee Radio Marca.

Wuxuu raaciyay: “Waa ciyaaryahan wanagasan, kaasoo hormarin kara kooxda, laakiin uma qalmo inay iyaga kasoo bixiyaan lacagtaas.

Wuxuu sii daba dhigey: “Bixitaankii Neymar, waa aragtaa waxay si dhaqsi ah ay ula soo saxiixdeen Dembele laakiin uma uusan qalmin 140 Malyuun.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Hadda Coutinho waxa uu ku fadhiyaa 160 Malyuun, inkastoo ay noqoto wax wali ah kubada cagta duunka, taasina ah mid loo dulqaadan karo, in suuqa uu sidaas noqdo.

Dhanka kale, Josep Maria Minguella, oo ka Hadley dhibaatada hada haysata Real Madrid, ayaa wuxuu meesha ka saarey in Madrid, ay ka baxday tartanka loogu jiro qaadista horyaalka La Liga

Wuxuu yiri: “Sida ay iyaga isaga hareen ayay u tahay mid aad u adag – Atletico Madrid waad aragtaa waxay udagaalmayaa si adag, kaliyana waxay lasoo saxiixdeen Labo ciyaaryahan, xili ciyaareedkan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close