Di Maria Oo Kashifay Sababta Iyo Cidii Ka Dambeysay Inuu Iska Diido Ku Biirista Barca Xagaagii Hore

Barcelona ayaa waxaa la xasuustaa fasal ciyaareedkii hore inay aad ugu dhaweed soo qaashadda Angel Fabio Di Maria, ka hor inta uusan ku biirin PSG, xili uu uga yimid naadiga Manchester United, ee dalka Ingiriiska.

Di Maria, oo xaqiijiyay inuu qarka u saarnaa ku biirista Barca, ayaa cadeeyay in uusan wax dhibaato ah ku qabi lahayn isaga, laakiin fariin uga timid Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Argentina, uu ku diiday.

Geesta kale, laacibkaan garabka ka dheela ayaa si cad usheegay in ka hor kulanka caawa ee Champions League, oo uu PSG udheela kana hortagayo kooxdiisii hore e Real Madrid, in xiriirka uu la lahaa kooxdan uu dhamaaday.

“Xiriirka naga dhaxeeyay Real Madrid, waa uu dhamaaday, wareegii dhexdeena yaalay mar hore ayuu soo xirmay,” ayuu Di Maria, ku sheegay wareysi uu siiyay Wargeyska dalka Faransiiska kasoo baxa ee So Foot.

Mar uu ka hadlay xiriirka isaga iyo Barca ayuu yiri: “Daacad ahaan, wax dhibaato ah kuma qabi udheelista Barca, laakiin fariintii uu isoo diray Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Argentina, ayaa in badan aqriyay.

“Ma rabo inaan xasuusto, laakiin waxay ahayd mid iigu dhiiro-gelineysay inaan marar badan aan wajo iyaga, marka inaad wajahdo Real Madrid, mar walba waa mid ku dhiiro-gelineysa,” ayuu kusoo gaba gabeeyay Di Maria.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close