Diego Costa Oo Hal Arin Darteeda Ugu Biiri Ka Karin Horyaalka China, War Cusub!

Xiriirka Kubadda Cagta wadanka Shiinaha ayaa waxa ay eedeen kulul usoo jeediyeen kooxda dooneysay Wiilka weerarka kaga dheela kooxda Chelsea iyo Xulka qaranka Spain ee Diego Costa, kooxdaas oo lagu magacaabo Tianjin Quanjian.

Waxa ay kusoo eedeeyeen Xiriirka oo loosoo gaabiyo CFA, in kooxdaan ay lunsatay canshuur lagu lahaa taas o sababi karta in ganaax lacageed iyo mid dhanka suuqa kala iibiga ah la saaro kooxdaan.

Diego Costa. Chelsea weerarkeeda ayaa waxaa si xoogan lala xiriirinayay tan iyo dhamaadkii iyo bartamihii xilli ciyaareedkan in kooxdaan reer China uu ugu dhaqaaqi doono aduun lacageed gaaraya £76m.

Balse kooxdaan ayaa waxaa kusoo korodhay Mushilad xoogan waxaana kooxdaan lagu soo eedeeyay inay lunsatay lacag lagu qiyaasay 100 Malyuun, waxaana xiriirka CFA-du ay isku dayi doonaan inaan kooxdaan ka yareeyaan Xiddigaha Ajaaniibta ah.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close