Home » Germany » Douglas Costa Oo La Shaaciyey Inta Uu Maqnaan Doono,Kadib Dhaawacii Soo Gaaray?

Douglas Costa Oo La Shaaciyey Inta Uu Maqnaan Doono,Kadib Dhaawacii Soo Gaaray?

Ciyaryahan Douglas Costa oo ah 26 jir u dhashay dalka Brazil ayaa shalay ku dhaawacmay xerada tababarka ee kooxda Bayern Munich.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee kooxda Bayern Munich ayaa cadeeyay inuu dhaawac dhanka jilibka ah soo gaaray ciyaaryahan Douglas Costa waxeyna intaa ku dareyn inuu garoomada ka maqnaan doono in kabadan laba isbuuc, taas oo micnaheedu yahay inuu seegi doono kulanka Axada kooxdiisa Bayern Munich’ ay la ciyaari doonto kooxda Borussia Monchengladbach.

Sidoo kale Douglas Costa ayaan ciyaari dooni kulamada xulkiisa Brazil ay wejihi doonaan xulalka Uruguay iyo Paraguay.

Si kasta Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhaawaca soo gaaray ciyaaryahan Douglas Costa oo kamida xidigaha ugu muhiimsan kooxda ku ciyaarta garoonka Allianz Arena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*