Eden Hazard oo ku garaacay Kevin de Bruyne xidiga ugu wanaagsan qaranka Belgium-ka

Hogaamiyaha qaranka Belgium Eden Hazard ayaa ku garaacay saaxiibkiisa Kevin de Bruyne abaalmarinta xidiga ugu fiican qaranka, wuxuuna ku muteystay bandhigii uu soo bandhigay sanadkii tagay ee 2017.

De Bruyne wuxuu hogaamiye ka noqday hormarka ay ku taalbsatay Manchester City xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyay 6-gool sidoo kalana 9-gool caawiyay, kaliya 21-kulan oo uu cayaaray, balse Hazard ayaa waqti ka qurux badan ku raaxeystay marka loo eego hormarka qaranka Belgium

Hazard kaliya shan kulan ayuu kasoo muuqday xulkiisa sanadkii 2017, halka De Bruyne uu ciyaaray 8-kulan. balse Eden ayaa sadex gool dhaliyay 2-na caawiyay taasoo ka dhigan inuu ka waxqabad fiican yahay Kevin.

View image on Twitter

Kabtan Eden Hazard- bandhigiisa wuxuu ku helay codad dhan 10,280-cod, waana in ka badan laba laab Kevin de Bruyne oo helay 4.710, Romelu Lukaku ayaana helay 3.223 codeyntii la sameeyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close