Home » Africa » Elman FC iyo Heegan oo ciyaar xiiso badan ku dhexmartay Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Elman FC iyo Heegan oo ciyaar xiiso badan ku dhexmartay Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

LAACIB.SO : Kulankaan oo ahaa kulankii ugu horeeyay oo galabta dib uga furmay labada garoon ee Banadir iyo Jaamacadaha oo ah labada garoon ee sanadkaan 2016-2017 lagu ciyaarayo waxaana garoomadaani ay noqdeen kuwo ay dadweynaha si weyn u soo camiraan markii ay ciyaarayaan kooxaha heerka koowaaad ee dalkeena Soomaaliya.

Kulankaan galabta ay wada ciyaareen labada naadi ee Elman FC iyo Heegan oo maalmihii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga la soo wareeegtay ciyaartooy cusub ayaa waxaa galabta laga dareemayay isbadal dhanka ciyaarihii kulamadii hore ay ciyaareen waxaana galabta dhowr jeer fursado badan ay gool kaga dhalin kareen naadiga Elman FC oo iyadana fursado badan heshay, balse qeybtii hore ee ciyaarta lagu ciyaaray garoonka Jaamacadaha waxey kusoo idlaatay goolal la’aan.

Elman FC vs Heegan FCMarkii ciyaarta dib ay u bilaabatay qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa isku day badan ay sameeyeen labada koox ayaaney u suura gelin in ay goolal iska dhaliyaan waxaana kulankii galabta lagu ciyaaray garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ay noqotay mid ku soo idlaata goolal la’aan labada kooxood ee Elman FC iyo Heegan waxaana Naadiga Elman FC ay haatan si KMG ah horyaalka ula wareegtay dhibcaha 20-ka ah balse dhanka Goolasha ayay kaalin ahaan uga gashay Naadiga Banadir Sports Club oo farqiga goolasha leh 13-Gool halka Elman ay leeyihiin farqiga goolasha 17-Dhibcood sidaasina ay ku heeyso hogaanka inkastoo naadiga Banadir Sports Club uu kulan ciyaareed u harsan yahay.

Ugu dambeyntii Naadiga Heegan FC oo galabta laga dareemayay isbadal dhanka ciyaarihii ay ciyaartay ah ayaa iyana leh 14-Dhibcood wax is badal ah ma sameynin oo kaalinteedii 6-aad ayay ku jirtaa.

Lasoco Marwalba Horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*