Elman FC iyo Naadiga Dekadda Maxey ku soo idlaatay Kulankii Garoonka Jaamacadaha?

Laacib.so : Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan galabta oo jimco ahayd waxaa isku hardamay Naadiyada kala ah Elman FC iyo Dekadaha, kulanka oo ahaa kulan xiiso badan waxaa labada naadi ay iska soo dhiseen dhanka weerarka iyo difaacaba waxaana kulankaan daawanayay mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SFF.

Qeybtii hore ee ciyaarta u dhexeeysay Naadiyada Dekadaha iyo Elman waxey isku dhaafi waayeen barbardhac goolal la’aan ah 0-0 waxaana ciyaartu noqtay mid koox waliba rabtay in ay guul ka gaarto dhigeeda ay la ciyaareeyso balse ma noqon qeybtii hore ee ciyaarta in galabta goolal la iska dhaliyo.

Kadib latashi badan ay sameeyeen labada kooxood iyagoo la tashanaayo tababarohooda iyo la taliyaasha naadiyada waxey sameeyeen isku day wanaagsan oo goolal lagu dhalin karay balse labada naadi ee Elman FC iyo Dekadda waxey isla dhaafi waayeen 90-kii daqiiqo bar bardhac goolal la’aan ah waxaana sidaasi ay ku heshiiyeen in ay ku kala qaataan min 1 dhibac garoonkii galabta oo jimco ahayd ay u soo daawasho tageen dadyow aad u badan waxeyna noqotay ciyaartu mid ah dhex dhexaad garoonkii lagu ciyaarayay oo 1 dhibic looga tagay iyo labada naadi oo min 1 dhibac halkaasi ka qaatay.

Elman FC vs Dekadda FCDhanka Jadwalka Horyaalka Heerka koowaad ee Dalkeena Soomaaliya hadii aan dib u milicsano waxaa weli hogaamineeysa naadiga Banadir Sports Club oo leh 16-Dhibcood horyaalka dalka halka Kooxda galabta ciyaareeysay ee Elman FC ay soo fadhiisatay Galabta 14-Dhibcood oo kaalinta labaad ah, halka Naadiga galabta ay barbardhac la galeen ee Dekadda ay iyana soo gashay kaalinta 4-aad waxaana ka horeeya Naadiga Horseed FC oo leh 13-Dhibcood, waxaana xusid mudan kulamadii galabta la ciyaaray horyaalka Soomaaliya ay ahaayeen kulankii 7-aad ee horyaalka Soomaaliya 2016-2017 waxaana harsan kulan adag oo dadweynaha reer muqdisho ay wada sugayaan ayna socoto weli tababaro dheeri ah sidii ay kooxda kale uga badin lahayd naadiyada kala ah Banadir Sports Club iyo Kooxda Jeenyo FC oo ku ballansan ciyaarta ugu horeeyso ay dheeli doonaan maalinta isniinta ama talaadada.

Lasoco mar walba horyaalka dalkaaga Soomaaliya, kalana soco LAACIB.SO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close