Home » Africa » Elman FC oo ku durdurisay Naadiga Muqdisho United

Elman FC oo ku durdurisay Naadiga Muqdisho United

Laacib.so : Waxaa si habsami ah uga socda labada garoon ee Banadir Stadium iyo Jaamacadaha ciyaaro aad u xiisa badan oo ay wada ciyaareen 4kooxood galabta waxaana ciyaarta dhexmartay Naadiga Muqdisho United iyo Elman FC ay noqotay ciyaar goolal badan la iska dhaliyo.

Qeybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid ay sidii rabtay ka sameeysaneeysay naadiga Elman FC kooxda Muqdisho United waxey ku martay 0-5 oo ay Elman Ku horkaceeysay qeybtii hore marka ay soo dhamaatay, waxaa la filaayay naadiga Muqdisho United in ay wax badan iska badasho si aaney goolal kale looga dhalin.

Kadib markii qeybtii dambe la isugu soo laabtay ayaa wax is badal ah aysan sameeynin naadiga Muqdisho United oo aad moodo in tabar la’aan ay heysay waxaana naadiga uu ku laaban doonaa heerka labaad ee uu ka yimid sababta oo ah waxaa goolal lama filaan ah laga dhaliyay isku dardar koox walba waxey isku dayeeysay in ay sidii rabto ka yeelato Faraga Goolashana waxey ku wadataa goolal ku dhow 30 waxaana Khamiista soo socota bilaaban doonta qeybtii labaad ee horyaalka dalkeena soomaaliya waxaana kulankaan galabta la ciyaaray uu ahaa kulankii 9-aad ee ay wada ciyaaraan labada koox qeybtii hore ee Horyaalka Soomaaliya ayaa la soo gaba gabeyn doonaa maalinta Talaadada ah waxaana xusid mudan in la ciyaari doono Maalinta Isniinta iyo Talaada si loo soo gaba gabeeeyo qeybtii hore oo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ay uga talo galeen in ay in min 9-kulan ay ciyaaraan kooxaha heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Dhanka Natiijada hadii aan Eegno naadiga Elman FC ayaa galabta goolal gaaraya 7-Gool dhalisay waxeyna tani ka micno tahay in Naadiga Elman Farqiga goolasha in ay hestaan 17-Gool halka Dhibcaha ay heeysato 18-Dhibac oo ay soo ciyaartay 9-kulan, tani waxey la mid tahay in si Kimeel gaar ah (KMG) ku sii heyso Horyaalka Heerka koowaad ee Dalkeena Soomaaliya balse laga warsugaayo Naadiga Banadir Sports Club iyo Horseed SC in ay soo badiyaan si ay isbadal ama ay kala wareegaan Hogaaminta horyaalka dalkeena Soomaaliya.

Lasoco Marwalba Horyaalka Soomaaliya kalan soco: LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*