Horyaalka Soomaaliya: Kulan Darbi ah oo galabta ay ciyaari doonaan kooxaha Elman iyo Dekadda

Kooxda Dakadda Fc ayaa xaqiijin doonta maanta hanashada horyaalka Somaliya ee xili ciyaaredka 2016-2017 hadii galabta ay ka badiso kooxda Elman , Kooxda macalin Yuusuf Cali ayaa horyaalka ku hogaamineysa afar dhibcood oo nadiif ah xili uu horyaalka ugu harsanyahay sedax kulan oo kaliye .

Kooxaha Elman iyo Dekedda ayaa sanadkan u dhaxeeyay horyaalka Soomaaliya balse hada waxeey u muuqata in kooxda Dekedda ay ku dhawdahay ku guuleysiga horyaalka madaama ay ku heeso hogaanka horyaalka 4-dhibcood iyadu u harsan 3- kulan oo qeyb ka ah kulan ay galabta ciyaareyso.

Kulankan ayaa go’aamin doona kooxda ku guuleysan karta horyaalka heerka koowad ee dalka Soomaaliya kooxaha Elman Iyo Dekedda fc, hadii ay badiso galabta kooxda Dekedda waxaa loo caleema saari doona horyaalka madaama ay ku heyn doonta hogaanka horyaalka 7-dhibcood, iyadoo u hartay labo kulan oo qora.

Dekadda FC vs Elman FC

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close