Elman oo iska xaadirisay wareega afar dhamaadka ee Tartanka General Daa’uud

Kulan xiiso badana ayaa ka dhacay Garoonka Banadir Stadium kaa uu u dhaxeeyay kooxaha Elman iyo Horseed ciyaartan ayaa ka tirsaneyd Tartanka General Daa’uud.
Tartanka General Daa’uud ayaa maraya wareega 8-dhamaadka ilaa iyo hada wareega Afaraad ee Tartanka u gudbay kooxaha Heegan iyo Elman oo galabta 1-0 ugu adkaatay kooxda Horseed.
Qeybtii hore ciyaartii u dhaxeeysay kooxaha Elman iyo Horseed ayaa lago kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda lagu Naaneyso Jaalayasha ee Elman waxaana goolka u dhaliyay xidiga lago magaacabo Cabdinaasir kaa oo ay ka keeneyn degmada Waabari.
Markii dib la isku soo laabtay kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa weerar cirka iyo dhulka ku qaadeyn shabaqada kooxda Elman balse weerarkii Wiilasha Horseed waa biyo ka dhigay daafacyada kooxda Elman.
Kooxda Elman ayaa hada iska xaadirisay wareega Afar dhaamadka waxaan laga yaaba ineey la dheesho kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.
Si kastaba Kulankii u dhaxeyay kooxaha Elman iyo Horseed ayaa ku soo gaba gaboobay 1-0 ay guusha ku raacday wiilasha Macalin Cabdi Joon ee Elman.

W/Q:Cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close