England Oo Ku Faraxsan Dhaawaca Goolhaye Manuel Neuer,Sabab?

Xulka England ayaa helay sheko farxad leh oo ku aaddan kulankeeda Arbacada ee Saaxiibtinimo oo ay la qaadaneyso Germany markii Manuel Neuer uu kasoo tegay macallin Joachim Löw. Laacibka kooxda Bayern Munich ayaa dhaawac kasoo gaaray cagta, waxaana taasi ay sababeysaa in Paris Saint-Germain wiilkeeda Kevin Trapp loogu yeero booskiisa.

Trapp ayaa ciyaaray 11 mar ciyaaraha xulka Germany ee da’yarta ka hooseysa 21-jirrada waxaana uu hadda sida muuqata fursad ka helayaa xulka waaweyn. England tababaraheeda Gareth Southgate ayaa wajahaya dhankiisa in uu xulka ka saaray. Micahil Antonio oo safan lahaa kulankiisii u horreeyay ee England markii sida la sheegay uu dhaawacmay laacibkan.

Tottenham wiilkeeda Kyle Walker iyo kan Everton Ross Barkley ayaa Talaadada la xaqiijin doonaa sida ay ka yihiin dhaawacyo yaryar oo ay qabeen. Manchester United booskeeda dhexe Jesse Lingard, ayey macno weyn leedahay, in uu qaranka waaweyn ee England wax kusoo kordhin karo, keddib markii laga soo dallacsiiyay 21-jirrada.

“Waxaan u maleynayaa in qarankan uu yahay kuwo aad u dhallinyar, qaar badan oo ka mid ah waxaan ka keenay 21jirada,” waxaa yiri Lingard. Waxaan arkaa James Ward-Prowse iyo Nathan Redmond waan is naqaan, waxaan u maleynayaa iyagu boosas ayey u qalmaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close