Eric Abidal oo ka hadlay sida uu ula dhaqamay Messi Xiligii aan Kansarka laxanuunsanayey

Daaficii hore ee kooxda kubada Cagta Barcelona Eric Abidal oo Cudurka halista ah ee Kansarku ku dhacay Sanadkii 2011 kii ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii uu kala kulmay iyo qaabkii ay ula dhaqmeen Cayaartoyda ay isku kooxada ahaayeen.

Eric Abidal” Kama sheekeyn karo dhibaatadii adkayd ee aan lakulmay Xiligii aan Xanuunsanayey waxaase jira dad aan weligeey hilmaami doonin oo xili walba i dhiiri gelinayey iyo kuwo xumaan ii muujiyey.

xiddigaan oo sii hadalaya ayaa yiri maalinkii qaliinka laygu Sameeyey markii aan miyirsaday Waxaan Video gaaban oo aan iska duubay u diray saaxiibaday Barcelona balse Jawaabtii aan ka helay Messi ayaa Noqotey markale ha ii soo dirin Video Nuucaan waayo waa wax na dhawaacaya oo Niyad jab nagu ah hadalkaas aad ayaan uga xumaaday ayuu yiri Eric Abidal oo Waraysi siiyey TV ga Canal+.

Abidal ayaa amaanay Cayaaryahanka ay isku dalka ka soo jeeedeen ee Thierry Henry kaas oo uu sheegay in uu xili kasta lagarab taagnaa dhiiri gelin waxaana uu yiri Markii uu igu soo booqday isbitaalka aad ayaan u qayliyey sidii Canug yar oo arkay Aabihiis oo uu jecelyahay laakiin Messi iima muujin wanaag waana qof aad u xun

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close