Eva Longoria iyo Marco Schreyl Oo Noqday Gabdhaha Lagu Casuumay Xafladda Uu Imaanayo…

Xaflada suugaanta badan iyo quruxda ayaa looga yeeray Eva Longoria iyo Marco Schreyl markii lagu dhawaaqay in lagu marti qaaday Best FIFA Football Awards oo qabsoomi doonta January 9.

Xarunta xafladda ayaa lagu abaal mariyaa ciyaartoydii iyo Macallimiintii ugu fiicnaa dunida 12-kii bilood ee tagtay, waxaana ka mid ah abaal marinada la qaadan doono ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa kubbadda cagta, xilli ay u sharraxanyihiin Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.

Abaal marinadaan ayaa lagu bixin doonaa magaalada Zurich Isniinta soo socota xilli si toos ah ay u tebin doonaan warbaahinta kala duwan.

Longoria ayaa aad loogu bartay abaal marinta Dahabiga ah ee Golden Globe –oo ay ku mudatay u doodista xuquuqda Hooyooyinka gurijoogta ah, waxay sidoo kale kaalin fiican ka ciyaartay soo bandhigga hooyo ku dhibban qoyska.

Waa 41-jir Aas-aastay barnaamij ay carruurta aan xubnahoodu dhammeystirneyn ay ku gargaartay, kaas waxay ugu magac dartay Eva Heroes ama geesiyadii Eva Make-a-Wish Foundation waa hey’ad kale oo ay ka faa’iideysteen dad badan Latino ama Latina oo ay hey’ado gargaar ka fulisay.

Germany ka jawaabaheeda Ryan Seacrest ama Dermot O’Leary, Schreyl ayaa hees tayo badan laga sugayaa sida in uu qaado Deutschland sucht den Superstar iyo Das Supertalent waana kuwo ka mid ah magacyada loogu maqalka badanyahay German marka bandhigyada TV-yada laga hadlo.

Wuxuu sidoo kale waaya aragnimo ku filan u leeyahay tegista munaasabadaha Sportiga la xiriira, isagoo ka shaqeeyay Olympics sidoo kalena tegay Bundesliga, Champions League iyo kubbad cag oo caalami ah.

Wuxuu xataa tegay laacibka ugu fiican dunida meel lagu bixinayay, macallinka ugu Best ee ragga ayaa sidoo kale la magacaabi doonaa, Leicester City macallinkeeda Claudio Ranieri ayaa la tartami doona Fernando Santos iyo Zinedine Zidane.

Safka xulka kubbadda cagta Adduunka ee FIFA World XI iyo Gooldhaliyaha ugu qurxan Puskas Award oo la siiyo goolkii ugu qurxanaa 2016 ayaa sidoo kale xafladda laga magacaabi doonaa, waxaa sidoo kale jiri doona Abaal marinno kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close