FA da England ayaa baari doonta hadalo uu Firmino ku yiri da’yarka kooxda Everton

FA da England ayaa baari doonta hadalo uu Firmino ku yiri da’yarka kooxda Everton Holgate intii ey socotay cayaartii FA Cup ka wareegiisa sedaxaad ee ey xaley dhex maray kooxaha Liverpool iyo Everton.

Holgate ayaa Firmino si xun ukala tuuray intii lagu gada jiray qeebtii hore ee cayaarta taasoo si aad ah uga careysiisay xiddiga reer Brazil sido kalana asagoo xanaqsan ku qeyliyay erayo luqada Portugal ah.

Da’yarka Everton ayaa garsoorihii cayaarta dhexdhexaadinaayay ushegay in Firmino¬†ku yiri taasoo ah cunsuri nimo balse waxaa la aminsanyahay in Firmino uusan dhihin sidaa.

Hadii xiddiga Liverpool ku cadaato in uu adeegsaday erayo cunsuri nimo ah wuxuu muteysan doonaa ganaax adag.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close