Fabregas Oo Doonaya Inuu Coutinho Ka Tago Liverpool & Kooxda Uu La Rabo Oo La Ogaaday

Ciyaaryahanka kooxda kubada cagta Chelsea, ee Cese Febregas, ayaa waxa uu doonayaa in xidiga Liverpool, ee Coutinho, uu ka tago kooxdiisa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada London.

Sababta uu Febregas, udoonayo in Coutinho, uu ka dhaqaaqo Reds, ayaa waxay tahay inuu isaga ku yahay mid halis ah, islamarkaana uu kula tartami karo, kubad abuurtista, sida ay aamisan tahay majalada Liverpool Echo.

Coutinho, ayaa waxa uu lasoo baxay kulamadii ugu dambeysay qaab ciyaareed heer sare ah, waxa uuna dhaliyay Lix gool, labadii kulan ee lasoo dhaafay oo ay ciyaartay kooxdiisa, isagoona caawiyay goolal kale.

Sikastaba, Liverpool Echo, ayaa rumeysan in Febregas, uu doonayo in Coutinho uu aado kubada cagta Barcelona, halkaasoo haatan looga gacan haatinayo, waxa una ka helayaa wiilkaan reer Brazil, dalabyo dhowr ah.

Inkastoo uu Coutinho, qiray marar badan inuu ku farax san yahay Liverpool, hadana waxaa ay kala cadaan doonaa wax kasta, bisha Janaayo ee sanadka cusub, markaas uu furmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close