Fabregas Oo Ka Hadley Kulanka Ay Barca Kula Dheelayaan Wareega 16 UCL – Yuu Guusha Siiyey

Ciyaaryahanka Chelsea, ee Cesc Fabregas ayaa si aan ka gambasho lahayn wuxuu daboolka uga qaadey in kooxdiisa uu hadda udheelo ay badin doonto, ciyaarta ay Champions League kula dheeli doonaan dhigooda Barcelona.

Febregas oo sidoo kale, usoo dheelay Barcelona, ayaa wuxuu dib ugu laaban doonaa dalkiisa Spain iyo Magaaladii uu kusoo koray ee Barcelona, waxaana uu fursad uheli doonaa inuu la kulmo asxaabtiisii hore

Febregas ayaa wuxuu qeyb ka ahaa xidigihii seegay inay hantaan Champions League, markii uu dib ugu soo laabtey Arsenal, oo ay Chelsea, ku guuleysatey sanadkii 2012, koobkaan xiisaha badan ee Dhaga-weyne.

Wuxuu yiri: “Barcelona waa koox weyn oo aad uheer sareysa, waxayna haystaa ciyaaryahanka kaliya ee aan arkey kuwa ugu wanaagsan, waana ku halis ah.

Wuxuu ku darey: “Laakiin waxaan nahay kuwa si fiican umideysan, waxaana nahay kuwa wanaagsan oo tartami kara, waxaana ku bixi doonaa qorshe.

Wuxuu sii daba dhigey: “Waan ognahay inaan udheeleyno sida ay ay Barcelona Banooniga umarto, waana kubadeena midaas.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay mar la weydiiyay hadii ay Barcelona awoodi karaan inay ka reebaan Champions League: “Waxay noqon doonaa mid aad u adag, laakiin ma ahan mid aanan macquul ahayn.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close