Fabregas Oo Kashifay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Hazard Barce, Madrid Ama Koox Kale?

Laacibka Khadka Dhexe ee Kooxda Chelsea Iyo Xulka Qaranka Spain Cesc Fabregas ayaa waxa uu kashifay halka uu aadi doono hadii uu ka tago Blues, Laacibka Naadiga Garabka kaga dheela ee Eden Hazard.

Waxa uu shaaciyay Xiddigii hore ee Barcelona in Hazard uu ku biiri doono Camaaliqadda Wadanka Spain ee Barcelona, isagoona raaciyay in uu xiddigaan gaaban doonayo ka garabciyaarista Messi.

“Waxa uu noqon doonaa beledka Leo Messi, waxa uuna ku biiri doonaa Kooxda Barcelona.” Ayuu sheegay Wiilkii hore ee kasoo qalan jibiyay agadeemiyadda Barca ninka lagu magacaabo Cesc Fabregas.

Labadaan xiddig oo haatan kawada dheela magaaladda London ee wadanka Ingiriiska, ayaa waxa ay ku guul dareysteen in ay qaadaan abaal marinta Xiddiga ugu fiican Horyaalka Ingiriiska ee PL.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close