Falanqeynta : Kullanka Adag ee U Dhaxeeya Kooxaha Banadir S,C Iyo Waxool

Kooxaha Banadir Sports Club iyo Waxool ayaa galabta ku ballansan Garoonka Banadir kulan cayaareed qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League kullankii 13-aad xili Cayaareedkan.

Banaadir ayaa baadi goob weyn ugu jirta iney gaarto guushii ugu horeysay ee horyaalka sanadkan madaama ay soo cayaartay labo kullan mid waa laga badiyay midna bar baro aye gashay kooxdan.

Banadir Sports Club Kullankii ugu dambeyay waxey bar baro la soo gashay kooxda ciidanka Booliska ee Heegan,.

Kooxda Kubadda cagta Waxool ayaa laga badiyya labadii kulan ay cayaartay Horyaalka waxeyna fadhisa kaalinta ugu dambeysa ee Horyaalka.

Wiilasha Banadir ayaa ku jira kala sareynta horyaalka kaalinta 9-aad iyago leh 1-dhibcood oo qora.

Kullankan ayaa ahaan doona mid aad u xiiso badan maadama ay labada kooxod raadinayan iney gaaran guulahoodii ugu horeyay horyaalka xili cayaareedka 2017-18.

Saddexdii kullan ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa wada badiyay kooxda Banadir Sports Club.

17/02/2017 Banadir S.C 3 : 0 Waxool FC
29/12/2015 Banadir S.C 1 : 0 Waxool FC
03/03/2016 Waxool FC 1 : 2 Banadir S.C

OGEYSIIS KULLANKA:

Tartanka: Somali Premier League
Kooxaha: Banadir S,C Vs Waxool
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close