Falaqeynta: Tottenham Vs Dortmund Hal Jeer Oo Hore Ayay Kulmeen Tartanka

Naadiyaasha Tottenham iyo Dortmund ayaa horay kaliya hal jeer u kulmay waxaana la joogay wareegga 16-ka ee Europa League waxaana labadaas is arag natiijo dhan 5/1ku badisay kooxda reer Jarmal waxaana sedex ka mid ah goolashaas saxiixay Aubameyang halka labada kale uu lahaa Marco Reus

Kooxda kubada cagta Tottenham ayay u tahay caawa markii 3-aad ee ay ka qeyb galayaan Koobka qaarada yurub ee Champion-ka , Tottenham waxa ay badiyeen laba ka mid ah 9 kullan ee hore ee Champion-ka ,laba bar dhac iyo 5 guul daro ayay wataan
Naadiga Dortmund waa markii 12-aad ee ay ka soo muuqanayaan tartankaan waxa kaliya kabada badan Buyer Munich Horyaalka dalka Jarmalka kuwaasi oo 21 jeer yimid
Dortmund waa ay soo gaareen qeybta SEMi- finalka afartoodii ka qeyb gashay ee Champion-ka ee la soo dhaafay waxaana ku jira markii ay finalka ku horyimadeen kooxda Buyer Munich xilli ciyaareedkii 2012/2013

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close