FALLANQEYNTA : Feyenoord VS Man City, Pep Oo Niyad Fican Ka Leh Kulankaan

Naadiga heysata horyaalka dalka Holland ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee macalin Pep Guardiola ku bilowdo xilli ciyaareedkeediisa labad ee Champions League.

Kooxda Manchester City ayaa ku bilaaban doonta xilli ciyaareedkaan ololaheeda Horyaalka Champions League kulan ka dhacay Rotterdam kaasoo ay ku wajahayaan Naadiga Feyenoord.

Feyenoord waxaa tababare u ah Giovanni van Bronckhorst, daafacii hore ee kooxda Arsenal ayaa ka tagay Barcelona sannad ka hor inta uusan Pep Guardiola la wareegin shaqada macalinimo ee garoonka Camp Nou.

laacibka 42 jirkaan ayaa ku riyaaqay xirfadiisa kubada cagta, isagoo waqti fiican ku qaatay Naadiyasha Arsenal iyo Barcelona.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Feyenoord: Jones; Diks, Botteghin, Van der Heijden, Nelom; El Ahmadi, Toornstra, Vilhena; Berghuis, Kramer, Boetius.

Man City: Bravo; Danilo, Stones, Otamendi; Walker, De Bruyne, Fernandinho, D. Silva, Mendy; Aguero, Jesus.

Isla Group F, waxaa kuwada ciyaaraya caawa Shakhtar Donetsk iyo SSC Napoli ciyaar ka dhaceysa dalka Italy.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close