Farqiga U Dhaxeeya CR7 & Neymar Iyo Shirka Jaraa’id Ee Zidane Ka Hor Kulanka PSG Ee CL

Zinedine Zidane ayaa sheegay in waxba uusan cadeyn karin marka ay Real Madrid ku wajaheyso Paris Saint-Germain, tartanka Champions League, isagoona cadeeyay in aysan dhibaateyn doonin wax ay dadka ka sheegayaa isaga.

Bandhiga hooseeya ee Real, ee xili ciyaraeedkan ayaa ka dhigan inay ubaahan yihiin waqti kale dheeri ah, si ay ugu isugu sameeyaan Champions League, laakiin kooxda reer France ayaa oo adag ayay ka hor-jeedaan.

“Waxba ma kontarooli karo, laakiin waxaan isku deyaa in inta harsan aan sare uqaado, waxaana ku shaqeyn doonaa dabacsanaanteeda, mana usocono inaan bedalo wax ay dadka naga aaminsan yihiin,” ayuu Zidane Yiri.

“Wax muhiim ah iima lahan wax ay dadka iga sheegayaan aniga, laakiin muhiimada waa kulanka, isaga ayaana diirada saari doonaa, waxa aan sameyn doonaa, ma muujin doono Berri waxba,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Hadda waxaan xoogasaarayaa Real oo wajahaysa PSG, laakiin waa run inay tahay Mucaarad xoog leh iyo Xifaaltamayaal soo jireen ah, maadaama aan ka yimid Olympique de Marseille,” ayuu sii daba dhigay.

Wuxuu beeniyay Zidane, in kooxdiisa ay saartay Cadaadis xoog badan, oo ah mid dheeri ah, kaasoo aanan saarneen mudooyinkii dambe.

“Waxaan ku farax-sanahay inaan dheeleyno kulan noocaan ah, laakiin ma jiraan wax cadaadis dheeri ah,” ayuu ku sharaxay.

“Sidii hore ayaan isugu diyaarinay Isbuucaan, waxaana had iyo goor nahayn kuwa cadaadis uu saarnaa, laakiin waa sidii hore.

“Kani ma ahan Final, waxaa jiri doona labo kulan oo Champions League ah, mana idhibaateyn doonyo, kaliya waa Banooni – mana ka fikiri karno waxa dhici doona mustaqbalka aniga ma ahi mid ka fikiraya,” ayuu sii raaciyay.

Zidane ayaa sidoo kale, sheegay in uusan ogeyn hadii uu si joogta ah ugu soo bilaabi doono weerarka BBC-da, isagoona isku deyay inuu hoos udhigo inuu noqdo kulanka PSG iyo Real, mid ay sameyn ku yeeshaan Neymar iyo Ronaldo.

“Waxaan ka hadleynaa labo ciyaaryahan oo waa weyn, laakiin kani wuxuu udhaxeeyaa Madrid iyo PSG ma ahan Neymar oo wajahaya Cristiano,” ayuu ku daray hadalkiisa Zidane

“Cristiano, wuxuu gaaray waxyaabo badan oo la taaban karo, oo ay kamid yihiin shan jeer oo Ballon d’Or, mana rabo inaan hada la barbar-dhigo iyaga – Qof walba waa uu ku yaqaa Neymar Garoonka, ladubana waa kuwa tayo fiican leh.

“Isbedalo ayay sameyn karaan – Laakiin wax iigu muhiimsan aniga waa kulanka, isaga ayaan diiradda saarayaa, sida uu udhaco iyo sida uu ku bilowdo muhiimad uuma laha sida aan uhelno kulanka,” ayuu kusoo gaba gabeeyay Zidane.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close