Farxad Mise Naxdin! Arsenal Iyo Barca Oo War Lama Filaan Kaga Imaanaya Bellerin

Ninka is ka leh, saami qeeebsiga ugu badan kooxda Arsenal ee lagu magacaabo Stan Kroenke, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay inuu qadka Telefoonka kula hadlay Hector Bellerin.

Waxa ay ka wadda hadleen ayaa lala leeyahay suurta galnimadda in xiddigaan uu isaga tago kooxdiisa, islamarkaana uu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan caasimadda London ee Arsenal.

Mr Stan, ayaa waxaa laga soo xiganayaa in xiddigaan uu usheegay inuu sii joogayo kooxdaan islamarkaana uu baaqi kusii ahaandoono kooxda Arsenal xill ciyaareedyadda soo aadan gaara ahaan sanadkaan.

Daacafaan Spanish-ka, ayaa waxaa si xoogan loola xiriirinayay inuu udhaqaaqayo kooxda Barcelona, halkaas oo mudooyinkii dambe si weyn loogu hadal hayay, waxaana warkaan uu laabta uqoboojinayan Gunners-ka.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close