Farxada Neymar jr iyo Murugadii Barcelona badiskii kooxda Real Madrid

Taageerayaasha kooxda kubada Cagta PSG ayaa barta Twitter-ka waxa ay soo dhigeen Sawirka Ciyaaryahankii hore ee Naadiga Barcelona Neymar jr oo aad u faraxsan iyada oo ay ku soo beegeen Xili si bahdil ah kooxda Barcelona looga qaaday koobka Super Cupka dalka Spain,Xiddiga Neymar oo laf dhabar u ahaa kooxda Barcelona ayaa 222 Milyan oo Lacagta Euro ah waxaa ku iibsatay kooxda dalka France ee PSG waxaaan cadaan ah oo aan daah lasaari karayn in Barcelona ay tibayn maqnaashihiisa balse Taageerayaasha kooxda PSG ayaa ugu faanaya kuwa Barcelona in ay ka qaateen laacibkii kujirey kooxdooda.




Naadiga Real Madrid ayaa kaga Guuleysatay Barcelona koobka Super Cupka dalka Spain waxaana 180 daqiiqo oo ay ladheeleen ay dhaliyeen 1 Gool oo kaliya waxaana lagu sameeyey bahdil sikasta ayaana looga Wanaagsanaa kooxda Barcelona oo weli suuqa ka baadi Goobeysa badalka Neymar aad ayeyna u adagtahay in ay helaan isaga oo kale.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close