Fernando oo ka dhawajiyay in uusan xiiso uheyn dalabka Juventus

Juventus rumours do not interest Fernando

Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Sampdoria Fernando ayaa lagu soo waramayaa in uusan wax xiis ah uqabin uwareegida Juventus, asaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay joogista Genoa.

Ciyaaryahanka rer Brazil kaasoo oo hantay 8 gool oo uu laqadaay xulkiisa, asaga oona kaga soo biiray Shakhtar Donetsk, xilli uu usaxiixay heshiis 5 sanno ah bilowgii xilli ciyaaredka 2015-2016.

Fernando ayaa kusoo bilaawday 16 kulan oo Seria A-da naadiga Sampdoria 17 kulan ay ciyaartay.

 

“Haddii aad si wanaagsan uciyaartid codadkaan waa kuwa dabiici ah, waadna ku raxeysaneysaa,” Fernando ayaa usheegay La Gazzetta dello Sport.

“Laakin waxan ka fakarayaa Sampdoria, fursada uu isiiyay Madaxweyne Massimo Ferrero in aan ka ciyaaro Italy.

“Waxan uga mahad noqoya tan, waxana siinayaa wax walbe oo aan u awoodo kooxdan kahor inta aan ku fikirin in aan aado naadi kale.

“Halkaan aan joogo ee Genoa waa riyadeyda.”

Sampdoria ayaa la ciyaari doonta kulan derbi ah kaasoo lagu magacabo ‘Derby della Lanterna’ ay labalan san yihiin dhigooda Genoa, waxa uuna rajeynayaa in uu helo natiijo ay ku farxan tageeraha kooxda.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sii raaciyay:

“Waxan ka hadalnay arinkaan weliba qolka lebiska, balse waxan lahadlay taageraha xilli aan joogay Super market kuyaal wadada,” ayuu ku daray.

“Fadlan, waa in aan guuleysanaa,’ ayey dhaheen. Taasina waa waxa qaaska ka dhigaya kulanka Derby: waxad dareemaysaa dadka sida ay ucabanayaan iyoo xamasad ay kuu mujinayan.

“Waxaa jira dhacdooyin kubada cagta oo aan caadi aheyn. Waxana ahay mid aad udhiiran.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close