FIFA oo Koobka Adduunka 2018 ka Mamnuucday ulaha la isaga qaado Selfie

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee looso gabiyo  FIFA ayaa ka maqnuucay taageerayaasha ka qeyb galaya sanadkan Kooxda Adduunka ulaha la isaga qaado sawirrada loo yaqaano ‘Selfie’.

Iyadoo la isku dayayo in la yareeyo isku dhacyada iyo dhibaatooyinka ka dhaca cayaaraha, taageerayaasha ayaan loo ogolaan doonin inay ulahaas la galaan garoomada dalka Ruushka oo sanadkan marti gelinaya Koobka Adduunyada.

Ulahan ayaa loo isticmaalaa in lagu xirto Taleefoonada gacanta deedna waxaa la isaga qaadaa sawirrada iska qaadka ah ee ‘Selfie’, laakiin xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa sanadkan ka mamnuucay Koobka Adduunka.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka FIFA waxa uu aaminsan yahay fikirka ah in Jamaahiirtu ay hub ahaan u isticmaali karaan haddii ay doonaan, marka uu dagaal ka kaco gudaha garoomada inta ay ciyaaraha daawanayaan.

Sidaas si la mid ah waxaa garoomada Koobka Adduunka sidoo kale sanadkaan laga mamcuunay inay taageerayaashu soo qaataan biraha dhulka la istaajiyo ee lagu xiro Kaamirooyinka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close