Home » Champions League » Final-ka Coppa Italia Juventus iyo Lazio oo isbadal ku imaan kara kadib…

Final-ka Coppa Italia Juventus iyo Lazio oo isbadal ku imaan kara kadib…

LAACIB.SO : Kadib guul ay ka gaartay Kooxda Juventus naadiga Barcelona ayaa maalmahaan oo dhan waxaa la hadal haayaa in uu is badal ku yimaado jadwalkii hore loo dajiyay ee Final-ka Coppa Italia in lagu sameeyo,Kooxaha Juventus iyo SS Lazio ayaa isku arki doona gegada Stadio Olimpico, iyadoo berri si rasmi ah loo bilaabi doono iibinta tigidhada oo u dhaxayn doona €35 iyo €120, iyadoo muhiimadda 1-aad la siinayo dadka haysta tigidhada fasal-ciyaareedka oo idil qaatay mar hore.

Kulanka ayaa markii hore la qorsheeyay Jimce 2-da June 2017, balse usoo bixitaanka Juventus ee nus-dhamaadka Champions League ayaa keeni kara in la bedelo jadwalka, gaar ahaan haddii ay Bianconeri usoo gudubto final-ka Cardiff,
Kulanka Finalka Coppa ayay sidoo kale u badan tahay in loo isticmaalo hannaanka Video Assistant Referees, iyadoo ay labada naadiba isku raaceen sida ku dhigan Il Tempo, balse waa in Lega Serie A ay ogolaansho ka heshaa FIFA iyo Jamciyadda International Football Association Board mas’uuliyiinteeda.

Juventus iyo Lazio

Juventus iyo Lazio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*