Franck Ribery oo shaki galiyay qaabkii Ronaldo uu ugu guulaystay Ballon d’Or 2013

Halyeeyga kooxda Bayern Munich ee Franck Ribery ayaa shaki galiyay qaabkii Ronaldo loo gudoonsiiyay Ballon d’Or 2013.

Franck Ribery ayaa ku dooday in waqtigaas uu wax walba kula guulaystay kooxdiisa Bayern Munich isla markaana uu ku guulaystay laacibka ugu fiican yurub iyo horyaalka Jarmalka.

Image result for Ballon d'Or 2013 Ribery

34 jirkaan ayaa 5-koob la qaaday waqtigaas Bayern kuwaas oo kala ah, Bundesliga, Koobka Jarmalka ee DFB-Pokal, Champions League, Super Cup-ka yurub iyo koobka kooxaha adduunka.

Laakiin xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo xiligaas maamulayay Ballon d’Or ayaa u gacan galiyay Cristiano Ronaldo.

“Wax walba ayaan ku guulaystay 2013, waxaan ahaa laacibka ugu fiican Bundesliga iyo yurub” ayuu u sheegay Canal +.

“Waxaan dareemay cadaalad darro, ani ahaan arinkaas wuxuu iila mid ahaa in layga xaday oo kale”.

Franck Ribery ayaa eeda dusha ka saaray saxaafada dalkiisa France kuwaas oo baal mariyay laacibka Bayern Munich inuu ku guulaysto Ballon d’Or 2013, kadib isku dhacoodii koobkii adduunka ee 2010.

“Ma rumaysantahay in Portugal aysan doonayn in Ronaldo uu guulaysto ama Argentina aysan doonayn in Messi uu guulaysto?”.

“Qaar kamid ah dadka France ma aysan doonayn inaan ku guulaysto abaal marintaas”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close