Garsooraha Kulanka Barcelona Iyo Juve Ee UCL Oo La Shaaciyay [Miyuu U Roon Yahay Bluagrana]

Kooxaha Barcelona iyo Juventus, ayaa isaga hor imaan doona kulan ka tirsan Koobka Champions League, oo kamid ah kuwa loogu jecelyahay aduunka iyo qaarada Yurub, iyadoona ay usoo daawasho tegaan taageerayaal aad u badan ciyaar waliba oo ka tirsan Tartankaan.

Ciyaartaan ayaa waxay dhici doontaa habeenka Talaada ah ee Asbuucaan, iyadoona la filayo inay yimaadaan garoonka taageerayaal iyo Madax ka socota labadda kooxood, waxaana ciyaartaan loo dhiibay inuu Xaakim ka noqday ninka lagu magacaabo Slovenian Damir Skomina.

Skomina, ayaa wuxuu dhashay Agoosto 5,  sanadkii 1976, wuxuuna heer caalami noqday 2003, isagoona dhaxdhaxaadiyay ciyaartii ay Blaugrana, sanadkii hore garaacday Borussia Monchengladbach, wuxuuna sidoo kale sarkaal ugu sareey ka noqday kualnkii 2015/2016, ee ka dhacay Manchester oo ay City wajahday.

Wuxuu sidoo kale, maamula ka ahaa garoonka kulan dhacay sanadkii 2012-kii, oo ka tirsanaa koobka European Super Cup, kaasoo ay Atletico ku garaacday Chelsea goolal gaaraya 4-1, wuxuu kaloo qabtay ciyaartii ka dhacday dalka Shiinaha, ee 2012 iyo 2016 European Championships iyo Confederations Cup in 2017, kalana aheyd.

Dhanka Kale, kulanka isla habeenkaas dhacaya ee Roma iyo Atletico Madrid, udhaxeeyaa waxaana isana loo dhiibay Garsooraha la yiraahdo Milorad Mazic, wuxuuna ninkaan dhashay Maarso 23, sanadkii 1973, isagoona heer caalami noqday 2009-kii.

Wuxuu xaakim kasoo noqday ciyaartii ka tirsaneed afar dhamaadka ee dhacday sanadkii 2014/15, una dhaxeysay Kooxaha Atletico iyo Real Madrid, wuxuna sidoo kale qabtay Kulankii Roma iyo Manchester City, isagoona sidoo kale, sarkaal sarre kasoo noqday kulamo kale, oo heer caalami ah.

Group-yadda La Dheeli Doono Habeenka Talaadda Ah Ee Ka Tirsan Champions League

– Group A:

Manchester Utd vs. Basel Ruddy Buquet (FRA)

Benfica vs. CSKA Moscow Alberto Undiano Mallenco (ESP)

– Group B:

Bayern Munich vs. Anderlecht Paolo Tagliavento (ITA)

Celtic vs. Paris SG Daniele Orsato (ITA)

– Group C:

Chelsea vs. Qarabag Anastasios Sidiropoulos (GRE)

Roma vs. Atletico Madrid Milorad Mazic (SRB)

– Group D:

Barcelona vs. Juventus Damir Skomina (SLO)

Olympiacos vs. Sporting Viktor Kassai (HUN)

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close