Garsoorayaal Soomaali ah oo Maanta u duulay dalka Kenya

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo kubada Cagta ah ayaa Maanta u duulay Magalada Nairobi ee Caasimada dalka aan dariska nahay ee Kenya halkaa oo ay ku dhex dhexaadin doonaan Cayaar ka dhacaysa.

Sida aan ka soo xiganay Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Garsoorayaashaan oo Tiradoodu tahay 4 ayaa dhex dhexaadin doona kulan Cayaareed 10 ka bishaan dhex maraya kooxaha kala ah Afc Leopards vs Fosa juniors kaas oo ka dhici doona Magaalada Nairobi.

Afarta Garsoore ee dhex dhexaadin doonta Kulanka aan soo sheegnay ayaa kala ah Garsooraha waxa uu Noqon doonaa Cumar C.qaadir Cartan Calanhayaha koowaad waa Mahad Ali Moh’ud Calanhayah labaad Ahmed abdullahi farah halka Garsooraha keydka ama afraad uu Noqon doono Hassan Mohamed Haggi,

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close