Home » Africa » Garsoorayaal Soomaliyeed Oo Ka Ambaxay Garoonka Aadan Cadde.

Garsoorayaal Soomaliyeed Oo Ka Ambaxay Garoonka Aadan Cadde.

Afar ka mid ah garsooryaasha heerka caalami dalkeena Soomaliya ayaa ka amba baxay caasimada Muqdisho,iyagoo kusii jeeda dalka Uganda si ay dhex dhexaadiyeen kulan ka tirsan CCC 2017.
Garsoorayaasha Muqdisho ka safray waxa ay kala yihiin Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Xamze Xaaji Cabdi,Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi iyo Garsoore Bashiir Colaad Carab.
Afarta Garsoore ayaa tan iyo bishii January iyagoo wada socda qaarkooda safar kala duwan ku aaday tartamada kala duwan ee qaraada Afrika,iyagoo Soomaliya usoo hooyay guul weyn iyo dhibco aad u saraysa.

Garsoore Xasan Baari ayaa 03-June garsooridoono kulan adag ee u dhaxeey kooxaha ka kala dhisan dalalka Uganda iyo Nigeria ee kala ah Kampala Capital City Authority FC iyo Rivers United,isagoo kulankaas u noqonayo safarkii lixaad uu ku aadayo ciyaaraha kala duwan ee wadamada Afrika,tan iyo bishii January sanadka cusub 2017.

Xasan Maxamed Xaaji ayaa ah garsooraha dhexda,Calanhayaha 1-aad Xamze Xaaji Cabdi,Calanhayaha 2-aad Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi,halka garsooraha afaraad ama garsooraha keydka uu yahay Bashiir Colaad Carab.

Garsoorayaasha heerka caalami ee dalkeena ayaa 03-June 2017 dhex dhexaadino kulan adag ee u dhaxeeyo kooxaha ka dhisan dalalka Uganda iyo Nigeria ee kala ah Kampala Capital City Authority FC iyo Rivers United,xili labada ay kuwada ciyaaidnoonaan garoonka lagu magacaabo Phillip Omondi Stadium ee dalka Uganda.

Si kastaba garsoorayaasha heerka caalami dalkeena Soomaliya ayay xiriirka kubbadd qaarada Afrika ku tilmaameyn kuwo aqoono iyo waayi aragnimo u leh ciyaaraha dalka iyo kuwa kala duwan ee qaarada Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*