garsoore laga mamnuucay ciyaaraha kubada cagta inta noloshiisa ka dhiman

Xiriirka kubada cagta FIFA ayaa xaqiijiyay in dib loo ciyaari doono kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee u dhaxeeyay wadamada South Afrika iyo Senegal ka dib markii garsoorihii qabtay kulankaas inta noloshiisa ka dhiman laga mamnuucay ciyaaraha kubada cagta.

Kulankaan oo la ciyaaray bishii November ee sannadkii hore ayaa keentay in garsoore Joseph Lampter uu rigoore u dhigay xulka South Africa oo ku badiyay 2-1, waxaana ay FIFA sheegtay ciyaartaasi ay aheyd mid la qiyaameeyay, waxaana ay keentay in garsooraha reer Ghana laga mamnuuco ciyaarta kubada cagta inta noloshiisa ka harsan
Lamptey ayaa rigoorada ka dhigay daafaca Senegal Kalidou Koulibaly isagoo ku eedeeyay inuu kubada gacanta ku taabtay, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinayay in kubada ay ku dhacday jilibka daafaca Napoli.

Warbixin ka soo baxday xiriirka kubada cagta dunida ayaa lagu yiri: “Gudiga isreebreebka Koobka Adduunka Ee FIFA waxa ay amrayaan in dib loo ciyaaro kulankii dhexmaray South Africa iyo Senegal 12kii bishii November 2016
“Go’aankaan waxa uu daba socdaa go’aankii maxkamada sarre ee isboortiga CAS oo ay inta noloshiisa ka dhiman ka mamnuucday ciyaaryaha garsoore Joseph Lampter madaama uu qiyaano ciyaareed sameeyay.

Kulanka ku celiska ah waxaa la ciyaarayaa bisha November 2017 marka ciyaaraha caalamiga la dheelayo, taariikhda la ciyaari doono dib ayaa laga soo sheegi doonaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close